Wararkii ugu dambeeyay Shirka Dhuusamareeb iyo Qodobo Madaxweynuhu miiska soo saaray

Waxaa saaka oo Arbaco ah 3 Feberaayo 2021 si rasmiga u bilowday Shirkii Dhuusamareeb ee Saamilayda Siyaasada Dalka ay uga arinsanayeen qaabka loo hirgalinayo Heshiiskii Sebtembar 2020 ee Doorashada.

Shirku wuxuu ku bilowdey si degan oo alabaanadu u xiran yihiin, dhamaanMasuuliyiintii ka qaybgali lahaa kulanka miiska ayay fadhiyaan.

Wararka hoose ee Puntlandi.com helay isla Xalay waxaa kamid ah in Madaxweyne Farmaajo oo laba ajande kusoo daray Shirka, kuwasoo kala ah iyo qodob kale oo ay soo jeediyeen Puntland

  • Kuraasta Gobolka Banaadir
  • In la cadeeyo in wakhti loogu daro Xukuumada si Dalka ay u gaarsiiso Doorasho
  • Qodobka Puntland soo jeedisay waxaa weeye in Warmurtiyeedka Shirka hadii lagu heshiiyo,

Labadaas Qodob waxaa codsadey in meesha laga saaro Jubbaland iyo Puntland,Waxayna ku andocoodeen in Kulanka looga hadlo oo qura caqabadaha hortaagan Heshiiskii 17/9,2020.

Puntland waxay soo jeedisay in Warmurtiyeedka Shirka uu noqdo mid lagawada tashaday qaabka loo qorayo, oo uusan noqon mid koox kaliya ay ku qorto waxay iyagu danaynayaan.

Waana Qodobada ugu horeeya ee maanta lagawada hadlayo, ilaa kuwaas xal loo helana looma gudbiyo Ajandaha Shirka oo ah turxaan bixinta waxyaabaha hortaagan Inuu hirgalo Heshiiskii Muqdisho 17 Sep.

Dadka falanqeeya Siyaasada waxay isha ku raaceen in Madaxweyne Farmaajo ku dhago labada qodob, kuwasoo wax u dhimi kara in Shirku inuu miro dhalo.

Waxaa aad loo dhaliilay oo kale Maqnaanshaha xubna matala Soomaaliland ,Madaxweyne Farmaajo wuxuu aaminsan yahay in isagu uu wakiil ka yahay Xubnaha Soomaaliland halka Maamulada qaar khaasatan Puntland ay doonayaan in la helo Xubno matala maamulkaan oo Shirka qayb ka noqda si loo waafajiyo Awood qaybsiga.

wixii kasoo kordha Shirka kala soco Puntlandi.com

Puntlandi.com Dhuusamareeb

<