Ciidamadii dhowaan Baledxaawo la geeyey oo Rasaas ku furay Ilaalada Xuduuda Kenya

Ciidamada Ilaalada Xuduuda ee Kenya ayaa laba Askari ka dhawacmeen ka dib markii
Booliska Kenya ay diideen inay Xuduuda kasoo talaabaan Sadex Ganacsade.

Ganacsatada loo diiday Xuduuda inay ka talaabeen ayaa dib ugu laabtay Baledxaawo, kadibna Askar ka tirsan Askartii Dhowaan Baledxaawo la keenay oo ka caroodey Ganacsatada Lasoo celiyey Ayaa Rasaas ku soo furay Xuduuda, waxaana halkaas ku dhawacmay laba Askari oo Kenyan ah.

Dowlada Kenya dhankooda Waxay sheegeen in Laba Askari Oo gudanaya Waajibaadkooda shaqo ay Dhawaceen Ciidamo ku sugan dhanka Soomaaliya.

Dublamaasi Soomaali ah oo aan waxka waydiinay Kiiskaan wuxuu sheegay sidaan …

  • Hadii saas wax u dheceen waa qalad in Xuduuda lasoo xabadeeyaa, Askarta falkaas geystaan waxayna muuqdaan kuwo aan Dublamaasiyada iyo Sharciyada Xuduudaha aan waxba ka aqoon,”.

Falkaan ayaa kusoo aadaya Xili ay Urur Goboleedka IGAD ay soo saareen Warbixin jawaab u ah eedeyn ay Xukuumada Madaxweyne Farmaajo ay Kenya ku eedeeyeen iney faragaliyaan Arimaha Gudaha Soomaaliya, Warbixintaasoo Lagu sheegayaan aysan jirin Faragalin.

Dhanka kalena Mucaaradka Qaarkood ayaa sheegey in hadii ay ku guulaystaan Doorashada ay Kenya ka xaal marinayaan Eedeymaha la eedeeyay, Waxaa xusid mudan in Xukuumada Madaxweyne Farmaajo ay u harsan Mudo Lix Cisho ah.

Puntlandi.com Mandheera

<