Midowga Musharixiinta oo Qoraal soo saaray, Madaxweynahana uga digay inuu Shirka Dhuusamareeb uu Carqaladeeyo

Midowga Mudharixiinta ayaa Soo saaray Qoraal ka kooban dhowr qodob oo ka hadlaya Doorashada, Shirka Dhuusamareeb iyo Gobolka Banaadir.

Ugu horayn Musharixiintu waxay Madaxweynaha uga digeen inuu isku dayo inuu Shirka Dhuusamareeb Carqaladeeyo , isagoo doonaya ama uu ismoodssiiyo inuu ku heli Karo mudo dheerayn.

Musharixiintu waxay soo jeediyeen in Shirka labalaariyo oo ay qayb ka noqdaan Saamilayda Siyaasada, waxay soo hadal qaadeen in Gudoomiyaha Aqalka Sare uu qayb ka noqdo Shirka si loo buuxiyo Awoodqaybsiga .

Gobolka Banaadir iyo meeqaamkiisa ayay ku sheegeen inuu yahay Dastuuri , balse Madaxweynuhu u adeegsanayo Olole Siyaasadeed iyo iska horkeen Bulsho.

Goluhu waxay Cambaareeyey weerarkii Dhalay lala degtay Hotel ku yaal Nr.4 waxayna ka tacsiyeeyey Shacabkii lagu xasuuqay.

Golaha Musharixiintu waxay ku boorinayaan ka qaybgalayaasha Dhirka Dhuusamareeb in Shirka wakhti fiican lasiiyo Qodobo wax ku ool ahna ay kasoo saaraan si Dalka Doorasho uga dhacdo, waxay ku booriyeen in horay loogusii socdo Heshiiskii 17 Sebtembar.

Waakan Qoraalkii oo buuxa

<