Madaxweyne Deni oo Xalay la shiray Aqoonyahano iyo Siyaasiyiin kana tacsiyey dadkii ku geeriyooday wererkii Argagixisadu ku qaaday Hotel Afrik

Habeenkii xalay Kulan wadatashi ku aadan Xaalada Soomaaliya ayaa Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni uu la yeeshay Aqoonyahano iyo Siyaasiyiin waxayna kawada hadleen oo ka wada tashadeen Xaalada Soomaaliya , Kulanka Dhuusamareeb iyo Doorashada.

Ugu horayn Madaxweyne Deni wuxuu ka tacsiyeeyey Dadkii ku Geeriyoodey weerarkii Hotel Afrik ay shalay ku qaadeen Argagixisadu.

Masuuliyiinta Kulanka kasoo qayb galay ayaa ka talo dhiibtay Xaalada Dalka inkastoo Aan wax wara lagasoo saarin gunaanadka kulanka.

Warar hoose oo Puntlandi.com hashay waxay sheegayaan in Madaxweynaha lagula taliyey in Amaankiisa ay sugaan Ciidamo badan oo kamida kuwa Puntland maadaama maalmahaan dambe Al-Shabaab ay kaabiga usoo fariisteen Dhuusamareeb.

<