Allaah ha u naxariistee General Galaal oo ka mid noqday dadkii ku geeriyooday wererkii Argagixisadu ku qaaday Hotel Afric caawa

Alle ha u naxariistee waxaa caawa weerarkii Hotel Africa ku Geeriyooday Generaal Maxamed Nuur Galaal Oo Ka Tirsanaa Ciidanka Xoogga Soomaaliya Xiligii Dowladdii Dhexe ee kacaanka.

Generaal Maxamed Nuur Galaal waxa uu ahaa Abaanduulihii Dagaalkii 1977 ee Dawladii Somaliya ay la gashay Dalka Ethiopia.

Jeneraal Maxamed Nuur Galaal ayaa sidoo kale ahaa Hogaamiyihii kacadoonkii Shacbiga ee xukunka looga tuuray 26.01.1991 kaligii taliyihii hore ee General Maxamed Siyaad Barre.

<