Janaraal Indhacade oo ka mida Dadka ka badbaadey weerarka Hotel Afrik, Dagaal wali socda

Faahfaahintii u dambaysay ee Hotel Afrik oo ka yaal Nr.4 waxaa Hotelka deganaa Janaraal Indhacade iyo Saraakiil kale kuwasoo badankooda ka badbaadey weerar goor dhowd lagu qaadey Hotelka, Qaraxyo iyo Rasaas ayaa Hotelka lagu weeraray.

Galabta waxaa Qarax lala beegsadey Hotel Afrik oo ku yaal Nawaaxiga Nr.4 , waxaa xigay weerar Rasaas ah, Ciidamada Dowlada ayaa soo gaaray goobta, waxaana wali socda Dagaal.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa horay u dheegay in Beel kamida Beelaha Doomaaliyeed si gaara loo beegsanayo Saraakiishooda Ciidamada, waana Beesha u badneyd Saraakiisha ku sugnaa Hotelka Caawa la weeraray oo uu kamid yahay Generaal Indhacade oo isagu kasoo badbaadey weerarka.

Ilaa hada lama shaacin Khasaaraha ka dhashay weerarka Galabta lagu qaadey Hotelka.

Wixii soo kordha kala soco halkaan.

Puntlandi.com Muqdisho

<