Kulan Villa Soomaaliya uga socda Madaxweyne Farmaajo iyo Xubno matalaya Beesha Caalamka

Waxaa goor dhaweyd Villa Soomaaliya ka bilowdey kulan ay Beesha Caalamku lahaayeen dalabka qabsoomidiisa Kasoo looga hadlayo Dooradhada Soomaaliya.

Soda aan saakadii hore ee maanta aan xogta ku haynay Beesha Caalamku waxay Madaxweyne Farmaajo u sidaan Fariin ku aadan qaabka Dalka Foorashadu uga dhacayso iyo in Madaxweyne Farmaajo uu sharuud la’aan aqbalo kulankii ay Puntland iyo Jubbaland ku baaqeen.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa shalay Beesha Caalamku la hadleen waxayna kuwargaliyeen kulanka ay la qaadanayaan(Sabtida) Madaxweyne Farmaajo sidaas awgeed ay dib u dhigaan kulanka ay ku baaqeen,

Kulankaan waxaa laga filan karaa inay kasoo baxaan Qodobo muhiim u ah Doorashada inkastoo Mucaaradku ay aaminsan yihiin in Madaxweyne Farmaajo uusan Diyaar u ahayn in Dalka Doorasho ka dhacdo, Balanqaad walba oo uu sameeyo kulanka maantana uusan fulinayn.

Wararka hoose ee laga helayo Kulanka maanta waxay sheegayaan in Beesha Caalamku aysan u dulqaadanayn isqabqabsi dambe iyo Koox ama shaqsi isku daya inuu hor istaago waxa lagu heshiiyo,

Puntlandi.com Muqdisho

<