James Swan “ Waxaan Madaxweyne Farmaajo ugu tagnay sidii deg deg loogu xalin lahaa Caqabadaha hortaagan Doorashada”

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan ayaa lagu sheegay Qoraal kooban oo lasoo dhigay barta Twitter/kr- ee UNSOM in uu qayb ka ahaa kulankii Beesha Caalamku ugu tageen Madaxweyne Farmaajo.

Qoraalka Kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu yiri sidaan.

  • Sharaf ayay u ahayd Ergayga Gaarka ah James Swan inuu isagoo la socda saaxiibadiisa Bersha Caalamka ay Madaxweyne Farmaajo ugu taagan inay kala hadlaan Xaalada Dalka, Di deg deg loogu Xaliyo Khilaafka ka taagan Doorashada”

Dhan kale Villa Soomaaliya oo Qoraal ka soo saartay Kulanka ayaa waxay u hadleen si sidaas ka duwan oo ay ku sheegeen in Dowlada Soomaaliya ay ku wargalisay Beesha Caalamka sida ay u socdaan Howlaha Doorashadu.

Wararka kale oo laga helayo ilo wareedyo u dhuun daloola kulanka waxay Xaqiijiyeen in Beesha Caalamku ay Madaxweyne Farmaajo u muujiyeen in Dulqaadkii Deeq bixiyaasha uu dhamaadey, Sidaas awgeed Waa in la joojiyaa ishiidjiidka iyo isdocyaaca, waana in deg deg loogu dhawaaqo wadada saxda ah oo Doorasho lagu gali karo, Waxay kaloo sheegeen Xubnihii Beesha Caalamku ay dhamaantood Khudbadohooda ku jirtay bogaadin ay bogaadinayaan Puntland iyo Jubbaland Gudiyada ay soo magacaabeen iyo Shirka ay ku baaqeen.

Puntlandi.com Muqdisho

<