Daawo Baarlamaanka Puntland oo ka doodaya Hindisaha Diiwaan galinta Shacabka

Baarlamaanka Dowlada Puntland ayaa maanta waxaa u furmay kalfadhigoodii 47aad oo ay iga doodayaan Hindisaha Diiwaan galinta Bulshada oo qayb ka ah Hanaanka Doorashada Puntland ee Mustaqbalka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirshiid Yuusuf Jabril oo kulanka Shirgudoominaya ayaa dheegay in Hindisahaan ay Xildhibaanada degaan kadibna merlmariyaan haday ku qancaan.

Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Hindisaha u gudbiyey Baarlamaanka wuxuuna ka codsadey inay meelmariyeen si horay loogusii socdo loona gaaro meesha Puntland hiigdanayso oo ah Doorasho Qof iyo Cod ah.

Hoos ka daawo Sawirada Kulanka Baarlamaanka

<