Breaking News- Beesha Caalamka oo Fariin farta kasaartey Madaxweyne Farmaajo”

Inkastoo ay Howlwadeenada Villa Soomaaliya diideen iney Saxaafada la wanaagsan Khudbadihii Beesha Caalamku ay maanta ka jeediyeen Kulankii Villa Soomasliya Hadana Warar Hoose oo Puntlandi heleen, Wakiilada Beesha Caalamku waxay hadal Adag kula hadleen Madaxweyne Farmaajo.

Waxay ka sinaayeen in La raaco Heshiiskii Septehmbatar, si horey loogu socdo, waxay kaloo carabaabeen inaan la aqbalayn in koox gaara ay iyadu talada Arimaha Doorashada isku koobto.

Hadaladii ay meesha ka jeediyeen Wakiilada Beesha Caalamka waxaa kamid ahaa in Xukuumadu ay u nuglaato Talooyinka loo jeediyey Ayna sida ugu dhakhsaha badan u bilowdo iney lasoo fariisato miis Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.

Wakiilada Beesha Caalamku waxay Bogaadiyeen Dadaalada Puntland iyo Jubbaland Wadaan.

Hadalada Beesha Caalamku ee kulankii Vills Soomaaliya waxaa ugu muhiimsanaa in Doorasho la qabto sida ay Muhiimka u tahay.

Xukuumada Federaalka dhankooda wuxuu Madaxweyne Farmaajo sheegay in Xukuumada Federaalka ay ka go’an tahay in Dalka Doorasho Xor ah ka dhacdo iyadoo laga amba qaadayo Heshiiskii Sentembar, Madaxweynuhu wuxuu Beesha Caalamka u sheegay oo kale in Dhankooda ay waxwalba ogolyihiin ayna tanaasul badan horay u sameeyeen hadana diyaar u yihiin wax walba oo laga fursan waayo.

Puntlandi.com Muqdisho

<