Dowlada Qatar oo ka carootay Dhalinyaro Soomaaliyeed oo loo sheegay in Qatar la gaynayo kadibna lageeyey Eritrea, Qatar baaritaan deg deg ah Bay dalbatay

Sida uu maanta qoray Wargayska Doha News ee Dalka Qatar kasoo baxa , Waxay Dowlada Qatar ka warheshay in Waalidiin Soomaaliyeed ay ka walwalsan yihiin Caruurtooda oo markii hore loo sheegay in Dalka Qatar tababar loogu qaadayo, kadibna si Khiyaamo ah loogeeyay Dalka Eritrea, kuwasoo la tuhunsan yahay in ay ka qaybqaateen Dagaalkii Tigray-ga, qaarkoodna ku nafwaayeen.

Hay’ada Nabadsugida Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay inay ka dambaysa kiiskaan, Dhalinyarada loogu sheegayay in Qatar tababar loogu qaadayo.

Dowlad Qatar ayaa Xukuumada Soomaaliya waxay ka dalbatay baaritaan deg deg ah, waxayna hoosta ka xariiqeen in aysan Qatar waxba kala socon Askar Soomaaliya loogu soo tababarayo Eritrea, Qatar waxay tiri sidaan.

  • “Dowladda Qatar waxay ka soo horjeedaa dhaqamada noocan oo kale ah waxayna ku boorineysaa dhammaan dowladaha inay baaraan xadgudubyada noocaas ah. Qatar waxay mar kale ku celinaysaa in wixii dalab dhab ah oo shaqo ama Arimo kale oo Sharciyada waafaqsan, ay marwalba soo marayaan dariiqyada rasmiga ah iyo wakaaladaha qaabilsan ee la ansixiyay ama Xarumaha Visa-ha Qatar. Waxaan ka codsaneynaa dhammaan shaqsiyaadka shaqo u raadsanaya Qatar inay xaqiijiyaan dalab kasta oo ay ka helaan kanaalada rasmiga ah ama safaaradda, ka hor aqbalida,

Hadalka Qatar kasoo wuxuu muujinayaa in Hay’ada Sirdoonka Dowlada Federaalka Soomaaliya ay ka been abuuratay Qatar, kolkay Dhalinyarada u sheegeen in Qatar ay ka heleen tababar Ciidan.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Madaxweyne Farmaajo ayaa maalmo ka hor wuxuu sheegay in Qatar kamid tahay Dalalka Ciidamada loogusoo tababaro Soomaaliya,

Saraakiil Soomaali ah ayaa iyana lagasoo xigtey mudo hada bil laga joogo inay yiraahdeen sidaan.,

  • Ciidamada ay Dowlada Qatar u tababarto Soomaaliya waxaa lageeyaa Xero Ciidan oo ku taal Eritrea, Xeradasoo ay gacanta ku heyso Dowlada Qatar, Dhaqaalaha iyo Macalimiinta wax tababarayaba,

Xisbiyada Mucaaradka Soomaaliya wali kama aysan hadal Qaylada kasoo yeertay Dowlada Qatar ee ay sheegeen in Laga been abuurtay ayna waxba kala socon Ciidamo loo diray Eritrea.

Linkskaan hoose ka alhriso Doha News oo iyana waxka qoray Warkaan

Puntlandi.com Muqdisho

<