Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia oo soo dhaweeyey Baaqii Puntland iyo Jubbaland ee ahaa qabashada kulan looga arinsanaayo doorashooyinka

Wakiilka Xoghayaha guud ee Jimciyada Quruumaha ka dhaxeysa u jooga Somaaliya Jemes Swan ayaa soo dhaweeyey oo ku tilmaamay talaabo wax tar kulankii ay ku baqeen Maamul Goboleedada Puntland iyo Jubbaland ee ahaa in shir deg deg ah oo looga tashanaayo dardargelinta doorashooyinka ay isgu yimaadaan Madaxada Dawlada Federaalka Somaaliyeed, kuwa Maamul Goboleedada Dalka, Midowga Musharixiinta iyo Wakiilada Ururada Bulshada Rayidka ah.

Mudane Jemes Swan oo booqasho ku jooga magaalada Jowhar ee Caasimada Maamulka Hirshabeele ayaa sidoo kale soo dhaweeyey magacaabista iyo soo dhameystirka xubnaha gudiga madaxbanaan ee doorashooyinka ee habeenkii xalay ay soo gudbiyeen Maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.

Halkan ka fiiri qoraalka Jemes Swan ee soo dhaweynta isbedelada soo kordhay :

<