Breaking News— Beesha Caalamka oo Dowlada Federaalka ku khasabtay in wax laga badalo Gudiga Doorashada

Warar hoose oo aan ka helnay Wadahadalada Beesha Caalamka iyo Puntland uga socda Garowe, waxaa la isku afgartay Qodobo dhowra oo u gogol xaaraya In Dalka ay ka dhacdo Doorasho heshiis lagu yahay.

Sida aan xogta ku heyno Dowlada Federaalku waxay ogolaadeen in ay waxka badalaan Qodobada ay diidanaayeen Puntland, Jubbaland iyo Mucaaradku, Qodobka ugu muhiimsan ee waxlaga badalay waxaa weeye Gudiga Diorashada.

Dowladu waxay ogolaatay inay waxka badasho Gudiga Doorashada ayna ka saarto Xubnaha ay Diidan yihiin Pl, JL iyo Musharixiinta.

Waxaa hada laga wadahadlayaa goobta Shirka lagu qabanayo, waxaa kaloo la isla meel dhigay in Beesha Caalamku ay kor kala socoto waxa kasoo baxa shirkaas.

Puntlandi.com Garowe

<