Wararkii ugu dambeeyey Xaalada Magaalada Baledxaawo

Magaalada Baledxaawo waxaa hada si buuxda gacanta ugu haya Ciidamada Jubbaland, Ciidamada Dowlada Federaalku waxay ku sugan yihiin Banaanka Magaalada.

Ilaa hada waxaa naloo xaqiyey in 8 Qof oo Shacab ah ay ku dhinteen Xabado wiifto ah, laakiin Khasaaraha labada Ciidan kala gaaray wali lama hayo, Dadka Dagaalka ku dhintay waxaa kamida 4 Caruur walaalo ah oo gurigooda Madfac ku dhacay.

Warar waxaa jira sheegaya in Ciidamo Gurmad ah oo kuwa Dowlada Federaalku ay saaka kasoo baxeen Doolow,

Ciidamada Jubbaland waxay hada si buuxda u kontoroolayaan Magaalada waxayna Difaaca ka galeen Dhinaca Muqdisho xigta.

Inkastoo Shacabka Magaalada ay Rasaasta maqlayeen tan iyo Xalay saq Dhexe hadana waxay saaka ku waabariisteeb Ciidamada Jubbaland oo Magaalada la wareegay.

Puntlandi.con k soco wararka dhabta ah oo tafatiran xaslada Gobolka Gedo

Puntlandi.com Kismaayo

<