War Deg Deg ah .. Jubbaland “ Waxaan qabsanay Baledxaawo”

Kadib Dagaal ka dhacay Xalay halkaas Waxay Baledxaawo usoo gacan gashay Maamulka Jubbaland sida uu xaqiijiyey Madaxweyne Xigeenka Jubbaland Maxamed Sayid Aaden.

Xalay ayaa Dagaal dhex maray Ciidamada Dowlada Federaalka iyo Ciidamada Jubbaland dagaalkasoo keeney in Ciidamada DF ay isaga baxaan Magaalada.

Xalay qaybo kamida Magaalada Waxaa la wareegay Ciidamada Jubbaland, saakana gabi ahaan Magaalada ayay kawada wareegeen.

Madaxweyne Xigeenka Jubbaland Oo la hadlay Saxaafada wuxuu sheegay in Ciidamadoodu ay gacanta ku hayaan Baledxaawo.

Puntlandi.com Kismaayo

<