4 Caruur walaalo ah oo ku dhintay Dagaalkii Xalay ka dhacay Baledxaawo

Inkastoo aan xiligaan la xaqiijin karin Khasaaraha rasmiga ah ee soo gaaray Shacabka Degmada Baledxaawo hadana waxaa jira tiro Dad ah oo ku geeroyoodey Dagaalka.

Hooyo ayaa ku waydey caruurteedii Dagaalka iyadana waxaa soo gaaray dhawac oo hada Isbitaalka ayaa lagu daweynayaa, Caruurta geeriyootay waa Afar uu ku jiro Ilma 2 sano jir ah, Madfac aan la garaneyn dhanka lagasoo tuuray ayaa ku habsadey gurigooda iyagoo hurda.

Ciidamada labada dhinac ayaa in mudo ah ku dagaalamayay Gudaha Magaalada iyagoon habayaraayee aan foojignaan siin Shacabka.

Vilka Soomaaliya iyo Kismaayo midna kama hadal khasaaraha gaaray Dadka Rayidka ah.

Puntlandi.com Mandheera

<