TACSI : – Madaxweyne Deni oo maanta Tacsi u diray Umadda Somaaliyeed iyo Qoyskii Aun Danjire Maxamed Axmed Cabdi Tafadal oo ku geeriyooday Garoowe

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane a Siciid Cabdullahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan shacabka Puntland iyo kan Dowladdaba waxa uu ka tacsiyeeynaya geerida Alle naxariistii Janno haka waraabiyee Wasiirkii Hore ee Arrimaha Bulshada Puntland Danjire Maxamed Axmed Cabdi Tafadal.

AHUN Maxamed Axmed Cabdi Tafadal wuxuu kasoo shaqeeyay dhismaha dowladdnimada, isagoo soo noqday Danjire Soomaaliya kusoo metelay wadamo kala duwan, sidoo kale wuxuu soo noqday Wasiirka Arrimaha Bulshada ee Puntland.

Madaxweynaha Puntland waxa uu tiiraanyada geerida Wasiirka la wadaagayaa ummadda Soomaaliyeed, Shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay marxuumku, waxa uu Alle uga baryayaa inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro , Jannatul fardawsana ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo eheladiisii.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

<