Gudiga Arimaha Dibada ee Baarlamaanka oo Madaxweyne Farmaajo ka dalbadey inuu ka jawaabo Ciidamadii loo qaadey Casmara meeshay ku dambeeyey iyo sababta loo diray

Gudoomiyaha Gudiga Arimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamka ee Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cosoble ayaa sheegey in ay warqad u direen Madaxweyne Farmaajo ayna dalbadeen in Sababta Tababarka loogubdiray Ciidamada iyadoon Wasaaradii Gaashandhigu wax wara ka ahayn iyo meesha ay kundambeeyeen Ciidamadaan loo diray Dalka Erritria.

Codoble wuxuu sheegay inay la xiriireen Wasaarada Gaashaandhiga iyo Wasaarada Arimaha Dibada labaduna aysan waxwara ka heyn Ciidamadaas.

Codoble wuxuu kaloo cadeeyay in ay jiraan Ciidamo si qarsoodi ah loogu qaadey Dalka Erritria lana dheegay in loo qaadey tababar Ciidan.

Wuxuu kaloo Cadeeyay in Ciidamadaan dhowr jeer oo kala duwan la qaadey ayna hada maqan yihiin Dhowr iyo toban bilood.

Waa markiiba horaysay oo Baarlamaanku uu ka hadlo Ciidamada la sheegay in loo qaadey Erritria kadibna qaarkood ay ka qaybqaateen Dagaalkii Tigray-ga, waxaana la shaaciyey in boqolaal Ciidankaas ah la waysan yahay Nolol iyo Dhimasho midkoodna.

Hoos ka dhagaysi

trim.A75D1C18-B548-42AE-A95B-A1C1E41D0277
<