Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka PL oo Baran gaaray

Wafdi isugu jira Labada Gole ee Dowlada Oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Cabdirshiid Yuusuf Jabril ayaa gaaray Degmada Baran.

Wafdiga ayaa hordhac waxay u yihiin Booqashada Madaxweynuhu ku tagayo halkaas sida laga soo xigtay Saraakiil Sare.

Wasiirka Amniga Mudane Cabdisamad Galan ayaa isna kamida Wafdiga, waxaana si diiran ugusoo dhaweeyey halkaas Masuuliyiinta Gobolka iyo Qaybaha Buldhada Reer Baran.

<