Madaxweynihii hore Cali Mahdi oo muujiyey inuu walwal ka qabo Xaalada Dalka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed io Waraysi bixiyey ayaa sheegay inuu ka walwalsan yahay Xaalada Dalka hadii la gaaro 7 Feberaayo iyadoon Doorasho loo diyaar garoobin.

Cali Mahdi wuxuu sheegay inuu ku rajo weyn yahay inaan dib Dalka loo celin, isagoo talo u diray Madaxweynaha , wuxuuna yiri m..

“Waan rajaynayaa in Madaxweynuhu uu dib u fakaro oo Caqligiisa kaashado oo uu la taliyayaal fiican la tashado oo uu xaliyo Arimaha la isku hayo, 8 Feberaayo hadii la gaaro iyadoon Doorasho dhicin oo ay Dadku sinaan, waan garan karaa waxa dhici kara, Waxaan rajaynayaa inaan balaariyo dhicin”.

Madaxweyne Cali Mahdi wuxuu kaloo sheegey in Beesha Nudolood ay ku howlan tahay Shirweyne Soomaali ku Heshiisyo inuu qabsoomo si Dalka loo badbaadsho.

Puntlandi.com Muqdisho

<