Madaxweyne Deni oo ka qaybgalaya Xaflado Ciidamo cusub tababar loogusoo Xirayo Qardho, Iyo Baran

Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa safaro ugu baxay Qardho halkasoo uu kaga qayb galayo Xaflad tababar loogu xirayo Cutubyo Ciidan ah.

Madaxweynuhu wuxuu iyana Carmo uga qaybgali doonaa Xafladaan oo kale oo Ciidamo Boolis ah tababar loogusoo xirayo.

Degmada Baran wuxuu iyana uga qayb galayaa tababar loosoo xirayo Ciidamo cusub oo ka tirsan Ciidamada Difaaca dhulka.

Madaxweyne Deni balanqaad yadiisii uu kusoo galay ololaha Doorashada ayaa waxaa kamid ahaa Sare u qaadida Iyo dib u habeynta Ciidamada Puntland, Balan qaadkaad wuu fuliyey Madaxweynuhu.

Mudadii labada Sano ee u dambeeyey waxaa la qalabeeyey kunaal Ciidan oo tababar loo soo xiray, Waxaa la Sadex jibaaray Guud ahaan Mushaarka iyo gunooyinka Ciidamada, waxaa taas u dheer Raashin joogta ah oo loo qoray Qoysaska Ciidamada,

Puntlandi.com Bosaso

<