Daawo heestii Cumar Dhuule ee Guul baynu jognaa : – Ha ku raxeystaan Wasiiradii iyo Dhashii Kacaankii Siyaad Barre ee 30 ka dib hadda soo baarugay ee Farmaajo Daarood-nimada ku taageeraya.

Gabaygii Dhodaan : Daarood maxaa ka dhigay Boqor dumaal yeeshay.

Heestan Nasashada maanta ee ” Guul baynu jognaa “ ee uu ku luqeeyo fanaankii weynaa Allaah ha u naxariustee Cumar Dhuule Cali oo uu qaaday 1991 markii kacdoonkii shacbiga Somaaliyeed hogaaminaayey ay iska dulqaadeen heeryadii taliskii dulmiga badanaa ee askarta, ee uu hogaamiyaha u ahaa General Siyad Barre.

Maanta oo xiligaas laga jooga mudo 30 sano ah ayaa waxaa dib u soo muuqday xaalada qalafsan oo huwan caadifad qabiil oo kooxdii Siyaad Barre ay rabaan in ay mar labaad Shacbiga Somaaliyeed isaga hor keenaan qaab qabiil.

Dhamaadkii sannadihii 1989 ilaa 1990 ka dib markii taliskii Siyaad Barre xaqiiqsaday in cimurigiisi dhamaaday waxa uu dalkii iyo dadkii somaaliyeed dhexdooda ka bilaabay dagaalo iyo colaad sokeeyey oo ku dhisan isir iyo qabyaalad, si uu ummada ka soo horjeeda xukunkiisa dulmiga ku dhisan uu iyaga gudahooda isgu mashquuliyo, oo uu u helo mudo cimri dherer ah.

Waxaa uu waqtigaasi Rijiimkii Siyaad Barre bilaabay in shacbiga loo kala qaybiyo qeyb loogu yeero qabiil Hawiye ah oo mucaarad xukun doon ah iyo kuwa kale oo inta hubkii dawlada loo qeybiyo loogu yeero wadaniyiin Daarood ah oo Dawladooda Hawiye ka difaacanaya.

Masiibadii iyo halagii dhacay raggii ka danbeeyey ee shacbiga soomaaliyeed qaarna xasuuqay, qaar dagaal sokeeyey oo lagu riiqmay ka dhex abuuray iyagoon cidna la xisaabtamin oo aan maxkamada la horkeenin ayey habeen madow isagoo oo uu weheliyo hogaamiyahoodii General Maxamed Siyaad Barre ay Dalka ka baxsadeen.

Maanta oo laga joogo 30 sanno ayaa mar kale xubnihii golihii wasiirada ee Rijiimkii Siyad Baare wixii ka nool sida Maxamed Cabdi Yusuf, Aden Maxamed Cali, lataliyaal sare , Generaalo hore iyo Dhashii ama Ciyaalkii kaacanku ay ku soo noqdeen Hoteelada magaalada muqdisho, iyagoo ka soo muuqanaaya qalabka warbaahinta, dibna waxay mar kale Dalka gudihiisa iyo dibadiisaba ka bilaabeen Olole Daaroodnimo ku dhisan oo lagu difaacayo madaxweynaha wakhtigu ka dhamaaday ee hadda ku sugan Villa Somalia.

Gabaygii Dhodaan : Daarood maxaa ka dhigay Boqor dumaal yeeshay.

Waxaa waajib ah in shacbiga somaaliyeed weliba midka Daarood ee ku sugan Dalka gudihiisa iyo dibadiisuba ay ka fejignadaan khatartaas iyo dabnikaas foosh xun ee ay u maleegayaan kooxdii shalay baxarka iyo qaxa u horseeday, dalkana colaada iyo dagaalka qabiil ka bilaabay.

Shalay 1990 shacbigii Daarood ee qoriga loo dhiibay waxaa lagu dagaal galiyey Yaa Daarood Ismaaciil aheey ha la difaaco Siyaad Barre iyo Dawlada Daarood , maantase waa doqnimo in sannadka 2021 Shacbiga Daarood ee Dalka gudihiisa iyo dibadiisa jooga lagu beer-laxawsado, oo lagu abaabulo Olole Daaroodiya ah oo lagu difaacayo waxa loogu yeeray Madaxweynaha iyo Dawlada Daarood ee uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Halkan ka dhageyso Geestii Guul baynu joognaa iyo Aun Alfanaan Cumar Dhuule Cali

<