Ciidamada Madaxweyne Farmaajo u diray Baledweyne iyo Go’aankii maanta ee Doorashadu waa Qorshe isla socda

Maamulaka Madaxweyne Farmaajo waxay maanta Baledweyne ka dejiyeen Ciidan lagsoo qaadey Muqdisho, sababta Ciidankaas loo geeyay halkaas ayaa ah hal sabab.

Sababtaasoo ah inay ilaaliyaan Doorashada Ay Maamulka Farmaajo ku dhawaaqeen maanta, Hirshabelle waxay Doorashadu ka dhacaysaa Jowhar iyo Baledweyne, maadaama kooxo Mucaaradka ay joogaan Baledweyne waxaa Doorashada Qaran lagu qabanaysa Xero ku taal Baledweyne oo maanta ay la wareegayaan Ciidankaan.

Go’aankii ay Xalay gaareen Madaxweyne Farmaajo iyo Taliye Fahad Yaasiin ee uu maanta Saxaafada u akhriyey Raysal wasaare Rooble wuxuu tilmaamayaa in ay guda galayaan Doorasho Qaran oo ka dhacaysa Sadexdaan Maamul iyo Muqdisho.

Raysal wasaare Xigeenka Mahdi Guuleed ayaa horey u sheegay in Doorashada Qaranka ee Danadkaan ay ahaanayso mid u Abaabulan sidii Doorashooyinkii Sadexdaan Maamul Goboleed, Hirshabele, Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Puntlandi.com Muqdisho

<