Breaking News— Midowga Musharixiinta, Puntland iyo Jubbaland oo go’aamo kasoo saaraya Go’aanka Xukuumada

Raysal wasaare Rooble wuxuu goor dhaweyd ku dhawaaqay inay qabanayaan Doorasho wakhtigeeda ku dhacda tasoo ah mid aysan kala tashan Maamulada qaarkood ayna Musharixiintu diidan yihiin .

Go’aankaan Xukuumadu qaadatay waxaa durba qar iska xoornimo ku tilmaamay Masuuliyiin ka tirsan Jubbaland, hadana warar ay Warbaahinta Puntlandi helayaan waxay sheegayaan in ay Garowe iyo Muqdisho ay ka socdaan Abaabul ku saabsan inay Mucaaradku jawaab ka bixiyaan go’aankaan waxayna soo saarayaan Qoraal isla maanta.

Sidoo kale Madaxweyne Axmed Madoobe, Madaxweyne Deni iyo Madaxweynihii hore Xasan Dheikh oo iminka Garowe ku sugan ayaa iyana Kulan degdega u socdaa.

Wixii soo kordha iyo Xogo lasoo lafaguray kala soco Warbaahinta Puntlandi.com

Puntlandi.com Garowe

<