Xasan Sheikh oo ku baaqay Shir deg dega oo looga arinsanayo Doorashada iyo Arimaha Gobolka Gedo

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo caawa ka khudbeeyey Xafladii Sanadguuradii 2aad ee Doorashadii Madaxda Puntland ayaa ku baaqay in Shir looga arinsanayo Doorashada Soomaaliya la isugu yimaado.

Madaxweyne Xasan Sheikh wuxuu muujiyey in xiligaan aysan jirin wax Wadahadal iyo waan waan hoose ah oo Doorashada ku saabsan,

Madaxweynihii hore wuxuu hoosta ka xariiqay in si Dalka loo badbaadiyo loo baahan yahay in Shir la isugu yimaado si looga arinsado Qaabka ay Doorashadu u dhacayso.

Hadalka Madaxweyne Xasan Sheikh wuxuu muujinayaa in ay diidan yihiin Kulankii Caawa ka dhacay Villa Soomaaliya ee dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Sadex Maamul Goboleed.

Puntlandi.com Garowe

<