Madaxweyne Axmed Madoobe “meel Jubbaland ah oo aanan Doorasho ku qaban karin, ama Wasiiradayda aysan tagi karin Sidee Doorasho ugu qabtaa

Madaxweynaha Dowlada Jubbaland oo caawa ka khudbeeyey Xafladii Xuska 8 Janaayo ee Garowe ayaa Fariin u diray Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Madoobe wuxuu Madaxweyne Farmaajo ugu baaqay inuu fuliyo Heshiiskii Sebtembar, Isla markaasna Madaxweynuhu uu joojiyo inuu ku mashquulo Gobol kaliya.

Madaxweyne Madoobe wuxuu kaloo isagoo Fariin toosa u diray Madaxweyne Farmaajo uu yiri “ Madaxweyne Heshiiskii Sebtembar waxaa lagu heshiiyay in Maamul Goboleed walbaa ay Doorashadu ka dhacdo laba Magaalo, Sidee Doorasho ugu qabtaa Meel aanan Doorasahdeeda Aanan Masuul ka noqon Karin ama Wasiiradeydu aysan tagi Karin, Taasi ma dhacayso, Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Madoobe wuxuu ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo in uu fuliyo Heshiiskii Sebtembar, wuxuuna yiri “ Madaxweyne Heshiiskaas warqad buu ku qoraa ee ma ahan wax qorsoon.”

Puntlandi.com Garowe

<