Askari ku dilay Dad Rayid ah Baledxaawo

Askari ka tirsan Ciidamada Dowladu geysay Baledxaawo ayaa Rasaas ku furay Mooti Bajaaj ah oo Dad rayid ah saaran yihiin, halkasoo khasaare nafeed ka dhashay.

Wiilkiisa waday Bajaajka ayaa isla goobtii ku geeriyooday halka Qof Dumar ah iyo wiilkeeda oo yar ay dhawacmeen, waxaana dhawaca loola cararay dhinaca Mandheera.

Askariga Dilka geystay gacanta ayaa lagu dhigay, lamana oga sababta keentay inuu rasaaseeyo Shacabka.

Magaalada Baledxaawo waxaa ku sugan Ciidamo ay Dowlada Federaalku keentay, Banaanka magaaladana waxaa ku sugan Ciidamada Jubbaland kuwasoo ah laba Ciidan oo iskasoo horjeeda.

Puntlandi.com Mandheera

<