Madaxweyne Deni oo Xalay kulan gaara la yeeshay Musharixiinta,Qoorqoor, Axmed Madoobe iyo Labada Gudoomiye Baarlamaan

Xafladii Cashada ka hor wuxuu Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni uu kulan gaara la yeeshay Musharixiinta Madaxweynaha Soomasliya, Madaxweynayaasha Galmudug iyo Jubbaland, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Gudoomiyaha Aqalka Sare.

Kulanka ayaa Ajandihiisu ahaa Doorashada oo qura, waxaana ay so qodo dheer uga wada hadleen Arinaha hortaagan Doorashada .

Wararka Puntlandi.com ka helayo kulankaas, amMasuuliyiintu waxay isla garteen in ay Dalka ka dhacdo Doorasho, Waxaa kaloo la isla meel dhigay in Madaxweyne Farmaajo uusan Diyaar u ahayn Doorasho Xor ah.

Madaxweynihii hore Xasan Sheikh ayaa si kulul u weeraray Madaxweyne Farmaajo wuxuuna ku tilmaamey Nin aan kartibu lahayn inuu miiska soo fariisto oo rag wax la qaybsada.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa isna si kulul u hadlay wuxuuna Sheegey in Go’aan degdeg ah laga qaato Doorashada qaabkay u dhacayso, wuxuuna carabaabay in Xukuumadu aysan Doorasho qaban karin.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa soo jeediyey in Gudiyo Shirka ka hor la magacaabay ay Si degdega ugasoo tala bixiyaan Muranka Doorashada isagoo Cod dheer ku sheegay in Xukuumadu ay ka leexatay wadadii lagu heshiiyey.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa si degan oo Siyaasadeysan uga hadlay Arimaha Doorashada wuxuuna sheegay in Arimaha loo wajaho wadada saxda ah oo Dastuurku ogol yahay.

Kulanka laguma casumin Xubnaha ka socdey Villa Soomaaliya oo uu hormuudka u ahaa Raysal wasaare Xigeenka.

Puntlandi.com Garowe

<