Madaxweyne Deni oo Qado ku casumay Masuuliyiintii Martida u ahaa

Ergada kasoo qaybgalay Kulanka Garowe ka socda ayaa waxaa maanta casumay Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, isagoo siiyay ayaa la dardaaran.

Masuuliyiinta ku sugan Garowe oo ah kuwa ugu Tunka wayn Siyaasada Soomaaliya ayaa maalmahaan waxay kulamo ku lahaayeen Garowe, Marka lagasoo tago Kulanka Weyn waxaa si hoose u feer socdey kulamo gaara oo looga arinsanayay Xaalada hada ka taagan Magaalada Muqdisho.

Kulamada goos hooska ah intooda badan waxaa jira waxyaabo la isku afgartay oo ay u horayso in Dalka ay ka dhacdo Doorasho loo simannyahay, waxayna ku balameen in Ay isku meel ugasoo jeestaan cid walba oo isku deyda inay Doorashada Afduubto.

<