
Nabdoon Maxamed Cabdullaahi Xirsi oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Gobolka Gedo ee maamul goboleedka Jubbaland ayaa Madaxweynaha Dawlada Federaalka Somaaliyeed Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ugu baaqay in uu ka waantoobo dabka iyo colaada uu ka hurinaayo.
Nabdoon Xirsi ayaa ku eedeyey Madaxweyne Farmaajo inuu dhibsanaayo, oo dagaal kula jiro Reer Gedo guud ahaan siiba labda Wiil ee Reer Xasan iyo midka Reer Axmed ee xilalka sare ka haya Maamul Goboleedka Jubbaland, kuwaas oo rabo inuu ku bedelo kuwa ka soo jeeda beeshiisa Reer Diini
Halkan ka dhegeyso hadalka Nabdoon Maxamed Cabdullaahi Xirsi :