Wafdigii ugu horeeyey oo Gudoomiyaha Aqalka Sare hogaaminayo oo Garowe soo gaaray

Wafdi isugu jira Senetoro iyo Masuuliyiin kale oo uu hogaaminayo Cabdi Xaashi , Gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa waxay soo gaareen Garowe halkasoo si diiran loogusoo dhaweeyey.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal ayaa isna laga yabaa inuu maanta Yimaado.

Waftiyo kale ayaa iyana ilaa beri oo Axada lasugayaa iney soo gaaraan Garowe, Isniintana waxaa la Qorsheynayaa in halkaas aysoo gaaraan Nasuuliyiinnka socda Dowlada Federaalka, macada in Madaxweyne Farmaajo uu imaanayo in kastoo uu qayb ka yahay Shirka.

Kulanka Garowe waxaa isugu imaanaya Dhamaan Saamilayda Siyaasada Soomaaliya si looga Arinsado Doorashada.

Puntlandi.com Garowe

<