
Waxaa maanta soo gaaray Caasimada Dawlada Puntland ee Garoowe Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Gelle oo ka geyb galayaa kulanka is araga hogaamiyaayasha siyaasada ee Somaaliyeed ee ay qabanqaabisay Machadka The Heritage Institute for Policy Studies.
Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Gelle ayaa u mahadnaqay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo shacbiga Puntland soo dhaweyntii diiraneyd ee ku qaabileen.