Madasha Musharixiinta oo Cambaareeyey Falkii shalay uu geystay Sargaal dharcad ah

Shir deg deg ah oo ay maanta isugu yimaadeen Masuuliyiinta ugu sareeya Madasha Midowga Musharixiinta ayaa lagu Cambaareeyey Falkii uu shalay kula kacay Sargaal ka tirsan Nabadsugida Gabdho Mudaharaadayay.

Shariif Sheikh Axmed oo Kulanka ka hadlay ayaa sheegey iney Cod dheer ku cambaaraynayaan Falkaas, isagoo Hay’adaha Amaanka ugu baaqay iney faraha kala baxaan falalka guracan ee ay samaynayaan.

Sargaal ka tirsan Nabad sugida ayaa shalay Bistoolad ku ridey Dad banaan baxayay isagoo markii dambena Wajiga kaga qabtay Gabdho ka mid ahaa Dibadbaxayaasha, isla markaasna wuxuu u taxaabay Xabsiga Degmada Wada jir.

Hoos ka daawi Sawirada kulanka Degdega ahaa ee Sheikh Shariif Shir gudoonshay

Puntlandi.com Muqdisho

<