Daawo : – Booliska Puntland oo helay muqaalo cadeynaaya in Villa Somalia ka danbeyso dadkii rabshada ka sameeyey Garoowe saaka.

Ciidamada Booliiska Puntland ayaa gacanta ku haya muqaalo Video ah iyo xogo cadeynaaya in Taliska wakhtigiisu sii dhamaanyo ee Villa Somaaliya iyo shakhsiyaad siyaasadeed oo caan ah, kuwaas oo ku hungoobay olole ay ugu jiraan in ay mar kale helaan xubino Barlamaanka Federaalka Simaaliyeed ay iska kaashadeen rabshadihii xogaa dhalinyaro ah loo adeegsaday ee saaka laga suubiyey koob ka taal magaalada Garoowe.

Xubno ka tirsan Booliska Puntland ayaa sheegay in qaska laga soo xawilay Villa Somaaliya ay cadeyn u tahay hadalada ka soo yeerayeey qaswadayaasha iyo in wakhtiga lagu soo aadiyey qaska oo ah wakhti xasaasi ah oo magaalada Garoowe ay marti gelinayso dhamaan hogaamiyayaasha siyaasada Somaaliya si xal loogu helo mishkilada iyo ismaandhaafka ka dhashay u diyaar garowga doorashooyinka guud ee dalka ka dhacaaya.

Muqaalada Booliska gacanta ku hayo ayaa laga dhex arki karaa Qaswadayaasha oo iska duubaaya muqaalo ay aflagaadooyin ugu geysanyaan madaxada Midowga Musharixiinta Somaaliyeed kuwaas oo ay rabeen in uga macashaan, oo loo isticmaalo cadifada qabyaalada salka ku haysa oo kooxaha Cayayaanka Baraha Bulshadu ay ka wadaan Social mediaha.

Dhamaan rugaha social media ee ay probogaanka ka faafiyaan kooxaha qabiil ee CCB-da ee u adeega Madaxweyne Farmaajo ayaa aad u soo dhaweeyey, oo aad u buunbuuniyey qaskaa saaka laga sameeyey Garoowe.

Waa Wasiirada Khadiijo Diiriye oo ku farxsan qaska ay Villa Somaliya

Booliska Puntland ayaa sheegay in shacbiga la wadaagi donaan warbixino hore dhaca oo ku saabsan kooxahaa la fashiliyey ee isku dayey in qaska ka abuuraan magaalada Garoowe.

Halkan ka daawo muqaalo lagu aflagaadeynaayo madax soomaaluyeed oo qaswadayaashu iska dubeen, isla markaana ay u direen Villa Somaaliya :

<