Dhamaadka bishaan Waxaa laguwadaa in uu Garowe ka dhaco Shir lagu badbaadinayo Dalka

Saamileyda Siyaasada Soomaaliya 20/21
Saamileyda Siyaasada Soomaaliya 20/21

Sida ay Warbaahinta Puntlandi.com ay xogta ku hayaan waxaa socda abaabul ladoonayo in uu Garowe ka dhaco Shirweyne ay isugu imaanayaan Saamilayda Siyaasda Soomaaliya si xal looga gaaro Muranka Diyaasadeed.

Raysal wasaare Maxamed Cabdi Rooble, Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada, Hogaamiyayaasha Mucaaradka oo ay u horeeyaan Labadii Madaxweyne hore Xasan Sheikh iyo Shariif Sheikh Ahmed, Hogaamiyaha Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Gudoomihii hore ee Baarlamaanka ahaan jirayna Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan, iyo Musharixiin kale ayaa Shirka lagu casumay.

Warar kale ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu diidan yahay in Shirkaan uu dhaco waxaase si weyn usoo dhaweyay Bersha Caalamka.

Madaxweyne Deni wuxuu maanta arintaan lasoo qaadey Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye “Qoorqoor”, aad ayuuna usoo dhaweeyey Qoorqoor, waxayna labada Masuul isla garteen inay kawada shaqeeyaan qabsoomida kulanka Garowe oo la qorsheynayo inuu bilowdo 29 Diseembar oo ku aadan Talaadada.

Puntlandi.com Gaalkacyo

<