Deni iyo Qoorqoor oo iskusoo dhowaadey

Kulankii Gaalkacyo uga socdey Puntland iyo Galmudug oo uu feer socdey Wadahadal hoose oo Deni iyo Qoorqoor uga xasjoonayeen Xaalada Soomaaliya ayaa is afgarad kusoo dhamaaadey.

Kulanka heer Wasiir ee labada Maamul waxaa looga hadlay xoojinta Wadashaqaynta Garowe iyo Dhuusamareeb iyadoo lasii amba qaadey Heshiisyadii horay loogu gaaray Gaalkacyo bartamihii sanadkaan.

Labada Dhinac waxay ku heshiiyeen in Si hsgar la’aan ah ay labada dhinac isaga kaashadaan Amaanka Magaalada Gaalkacyo iyo Guud ahaan Puntland iyo Galmudug,

Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland Maxamed Dhaban cad ayaa hogaaminayay Ergada Puntland halka Axmed Macalin Fiqi Wasiirka Amniga Galmudug uu hogaaminayay Ergada Galmudug.

Waxaa kulankaan feer socdey Wadahadal gaara oo Deni iyo Qoorqoor uga arinsanayeen Xaslada Siyaasadeed ee Soomaaliya, Waxayna labada Masuul isla garteen iney kawada shaqeeyaan badbaadinta Dalka.

Waxaa muuqata in Madaxweyne Qoorqoor uu usoo dhawasdey inuu wax ka badalo mowqifkiisa ku aadan Doorashada.

Puntlandi.com Gaalkacyo

<