Daawo Sheekh Soomow : – Madaxweyne yaan Gurbaan been ah laguu tumin ee Dalka iyo Dadka u nax.

Afhayeenka Golaha Guud ee Culimada Soomaaliyeed Sheekh Cabdulqaadir Sheekh Maxamed Sheekh Abuubakar ( Sheekh Soomow ) ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Dawlada Federaalka Somaaliyeed Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in la badbaadiyo Dalka iyo Dadka Somaaliyeed oo uu sheegay in uu meel fool xun ku sii socda.

Sheekh Soomow ayaa ku eedeyey Gudiga Doorashooyinka ee Madaxweyne Farmaajo magacaabay in ay ka baxeen, oo jabiyeen balantii ay la galeen Golaha Culumada Somaaliyeed ee aheyd in laga dheeraado talaabooyinka colaada abuuri kara, isla markaana loo dhago nuglaado dhexdhexaadinta Culumada Somaaliyeed wado.

Halkan ka fiirso hadalka Sheekh Soomow :

<