Beesha Caalamka oo balanqaad u samaysay Musharixiinta

Kulan Khadka Inernetka ku dhexmaray Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya iyo Xubnaha ugu Tunka weyn Beesha Caalamka ayaa kusoo dhamaadey Balanqaad ay Beesha Caalamku ka balanqaadeen Musharixiinta in Isbadal muuqda oo ku saabsan qaabka Doorashada loo galayo uu dhici doono kasoo lagu wada qanci doono.

Beesha Caalamku waxay Musharixiinta u dheegeen in Doorasho loo dhan yahay oo xalaal ah ay dhacayso iyagoo hoosta ka xariiqay in aysan u dulqaadanayn in Shaqsiyaad gaara ay Luuq la galaan Hanaanka Doorashada ama ay kaligood isku ekeysiiyaan talada Doorashada.

Kulanka waxaa Musharixiinta ku Matalayay Cabdiraxmaan Cabdishakuur , Xasan Sheikh Maxamuud iyo Shariif Sheikh Axmed.

Musharixiinta ayaa dhankooda Muujiyay in ay ka walwalsan yihiin Amaanka Caasimada iyagoo ku eedeeyay Ciidamo gaara in ay Wadaan Amaan xumo.

Waxay Musharixiintu soo dhaweeyeen baaqa Beesha Caalamka iyagoo kalsooni u muujiyay inay kasoo bixi karaan balanqaadka ay caawa ula yimaadeen Beesha Caalamku.

Kulankaan ayaa kusoo beegmaya xili ay Ciidamada Dowladu u kala jabeen dhowr Garab kuwasoo Dagaal uu ku dhex maray Muqdisho maalmihii lasoo dhaafay iyo maanta.

Puntlandi.com Muqdisho

Wargalin kooban:-

Maamulka iyo Hawlwadeenada Puntlandi waxay Bulshada Somaaliyeed ee ku xiran Shabakada ku wargelinayaan in ay soo dhamaatay hawlihii dibu habeynta iyo kor u qaadida tayada adeegyada ee mudooyinkan aanu ku wadnay Shabakada.

Waxaanu Akhrisatayaasha iyo Macaamiisha Somaaliyeed ku xiran Shabakada uga cudurdaraneynaa kala maqnaanshaha dhawrka beri qaatay.

Mahadsnidin.

Maamulka iyo Hawlwadeenada Puntlandi.

<