Garoonka Diyaaradaha Garowe ayaa wali xiran kadib Diyaarad taala Runway-ga

Kadib markii Diyaarada Jabuuti Airline ay ay shil fudud ku gashay Garoonka Wadadiisa ay Doyaaraduhu ku ordaan ayaa sababay in Diyaaradii Itoobiya ka imaan lahayd ay maanta dub ugu noqoto Adis Ababa.

Diyaarada Jabuuti ayaa candhada dhigatay kolkay soo degaysay, Cidna waxayna gaarin laakiin waxay dhex fadhidaa Wadada ay Diyaaraduhu kusoo degaan, waxaana hada socda shaqdiii looga jiidi lahaa halkaas.

Taliyaha Amaanka ee Garoonka ayaa Dheegay in sida ugu dhakhsaha badan loo Xalin doono isla markaasna uu rajaynayo in Garoonku uu Shaqadiisa dib u bilaabo Beri oo Khamiis ah.

Masuuliyiinta Duulista Hawada ee Puntland wali kama aysan hadal hakadka ku yimid Garoonka Janaraal Maxamed Abshir Internatioan .

Puntlandi.com Garowe

<