Cabdiraxmaan Cabdishakuur “Madaxweyne Farmaajo wuxuu Raysal wasaaraha ku cadaadinayaa inuu Jubbaland u Aqoonsadey Deegaan Cadow haysto

Abdirahmaan AbdiShakuur Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir. Photo Wadajir party

Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa shaaciyey in Madaxweyne Farmaajo cadaadis xoogan uu ku hayo Raysal wasaare Maxamed Rooble, Madaxweynuhu wuxuu doonayaa in Jubbaland lagu shaabadeeyo Deegaan Cadow shisheeye uu heysto.

Qoraal uu Bartiisa Twitterka soo dhigay Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayuu ku sheegay Xog rasmi ah oo uu helay, waxayna Xogtaan tilmaamaysaa In Madaxweyne Farmaajo uu caawinayo Raysal wasaaraha.

Xogta uu baahiyey Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxay tilmaamaysaa in La doonayo in Jubaland aan Doorasho ka dhicin.

Madacada in Raysal wasaaruhu uu u dhaga nuglaaday Madaxweynaha iyo Inkale balse Dadka falanqeeya Siyaasada waxay arintaan ku tilmaameen in Villa Soomaaliya ay soo wajahday Khalkhal Siyaasadeed oo sababay in lagu dhawaaqo isdaldalaad Siyaasadeed, Arintaan laga dhawaajiyeyna waxay ku tilmaameen mid aan sinaba ugu suuragalayn, Xitaa haduu Raysal wasaaruhu fuliyo rabitaanka Madaxweynaha ee Jubbaland lagu shaabadeynayo Deegaan Vadow heysto.

Puntlandi.com Garowe

<