Breaking News— Duuliyaha Diyaaradii Garowe Shilka ku gashay oo qalad sameeyey

Wasiirka Duulimaadyada Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor “ Gabilay” oo shir jaraa’id ku qabtay Garoonka Diyaaradaha Garowe ayaa faahfaahiyay sababta keentay in Diyaarada Air Jabuuti ay shil ku gasho Garoonka Diyaaradaha Janaraal Maxamed Abshir International.

“Duuliyaha ayaa qalad sameeyay inkastoo uu markii dambe badbaadiyey Dayuurada iyo Rakaabkii saaraa” Waxaa sidaas yiri Wasiirka.

Duuliyuhu wuxuu Diyaarada soo dajiyey isagoon soo gaarin meeshii loogu talagalay in Dayaaraduhu ka Dhul bilaabaan, Wuxuu Diyaarada soo dejiyey iyadoo Xawaarihii ay kusoo degi lahayd ka sareysa, isla markaasna wuxuu ka caga bilaabay afka hore ee Wadada Diyaaraduhu kusoo degaan, Sida aad sawirka hoose ku aragto calaamadaha madow ee Taayiradu dhigeen, waxay Diyaaradu si miisaan culas ah usoo caga dgigatay Garoonka, kadibna Bareeg ayuu qabtay.

Qaabka Diyaaradu udoo degtay iyo Khasaaraha aad ayay u kala sareeyeen, wuu dadaalay Duuliyuhu,” Ayuu yiri Wasiirku

Sawirada hoose Daawo

Puntlandi.com Garowe

<