Midowga Musharixiinta oo ka horyimid Go’aankii lagu eryey Safiirka Kenya

Qoraal ay soo saareen Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayay ku sheegeen in ay ka walaacsan yihiin Go’aamada ay Xukuumadu ka qaadaneyso Arimaha Muhiimka ah ee Saameynaya Qaranimada Soomasliya iyadoo loo adeegsanayo olole Doorasho.

Midowga Musharixiintu waxay Xukuumada ku eedeeyeen iney Cadaawad ka dhex Abuurayso labada Dal ee Deriska ah Soomaaliya iyo Kenya.

Qoraalka Musharixiinta waxaa ka mid ah sidaan …

  • Goluhu wuxuu u arkaa Go’asnka ay Xukuumadu hoos ugu dhagayso Xiriirka Kenya inuu yahay mid loo isticmaalayo olole Doorasho ee aan loo xeerinaya Danta Qaranka iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa kaloo Qoraalka Musharixiinta ka mida …

  • Goluhu wuxuu ka walwal sanyahay Saameynta taban ee xiriirxumida labada dal ay ku yeelan karto Soomaalida Ganacsiga ku leh Kenya, Ardeyda wax ka barata iyo Qaxootiga ku sugan Kenya.

Qoraalka Musharixiinta waxaa ka muuqda iney ka xunyihiin Xiriirka loo jaray Kenya iyagoo hoosta ka xariiqay in aysan ahayn dano Qaran iyo mid dublamaasiyadeed.

waakan Qoraalka Midowga Musharixiinta

<