Madaxweyne Farmaajo isagoon ridin Axmed Madoobe ayuu Xukunka ka degayaa

Madaxweynaha Dowlada Federaalku wuxuu geed gaaban iyo mid dheeraa u duulay inuu Axmed Madoobe ka qaado booska, Laakiin royadaas waxay noqotay mid uu ku guul daraystay.

Doorashadii Jubbaland waxay ahayd isku daygii kowaad ee uu Madaxweyne Farmaajo si soyaasadeysan uu isugu dayay inuu Adeegsado Siyaasiyiin La hayb ahayd Farmaajo, Laakiin iskudaygaas Axmed Madoobe maalin kuma aysan qaadan inuu iska Difaaco oo intii Doorashadu Socotay wuxuu Qol ku soo Xiray Xildhibaan Xidig iyo Cabdinaasir Seeraar oo ahaa Qoriga uu Madaxweyne Farmaajo u adeegsanayay Axmed Madoobe.

Seeraar iyo Xidig Kolkay u babac dhigi waayeen Axmed Madoobe, wuxuu Madaxweyne Farmaajo waydiistay kaalmo Itoobiya si Axmed Madoobe loogusoo qabto, si u dhow sidii Shariif Xasan looga saaray Baydhabo( Shariif Xasan Saaristiisa waxaa loo adeegsadey Ciidamada Itoobiya) , Janaraalka Iyoobiyaanka ah ee jooga Baydhabo ayaa Diyaarad Ciidan Itoobiyaan ah ka buuxaan wuxuu usoo diray Kismaayo si looso qabto Axmed Madoobe, Laakiin Axmed Madoobe kolkuu Arinkaas ka war helay, wuxuu isticmaalay ooraahdii Soomaaliyeed ee oranaysay QANIINYAA QANIINYO KAA FUJISA, Wuxuu isna teleefoon u dirsaday Nairobi si looga caawiyo dhanka Hawada Cadowga kasoo galay, waxay Ciidamada Kenya ee ku sugan Garoonka Diyaaradaha Kismaayo Amar ku siiyeen Diyaaradii Itooboyaanka iney Hawada ka laabato oo ay Baydhabo ku noqoto, waxay itoobiyaanku u dheegeen Kenyanka inay heystaan Amar Madaxweyne(Farmaajo), Kenyaankiina waxay ugu jawaabeen Amarkaan Anagu heysano ayaa ka wayn, Sidaas ayayna Diyaaradii ugu laabatay Baydhabo.

Madaxweynaha Jamhuuriyada intaas ugamaharin Axmed Madoobe, isku daygii xigay waxay ahayd tii la isku dayay in lagu khashkhashaado Caleema saarkiisa, Villa Soomaaliya oo adeegsanaysa mar kale Wasiirka Gaadiidka oo Axmed Madoobe ay isku heyb yihiin ayaa manuucay in Diyaarado ka degaan Kismaayo, isagoo adeegsadey Awoodii Dowladnimada Soomaaliya, Taasina ma noqon mid guulaysata

Axmed Madoobe wuxuu maalin cad ka guulaystay Madaxweyne Farmaajo,Doorashadii wuu qabsadey, wuuna ku geelaystay iyadoo wali ay Guri ku xiran yihiin Xidig iyo Seeraar(Farmaajo) waxaa Xigay oo uu dhigtay Xafladii ugu wayneyd ee Abad ka dhacda Koonfurta (Haweentii uunsataa, meelo aysan ka hinanden jirin ayay ka gubataa), tasoo Looga yimid Nairobi ilaa Garowe.

Hada oo wakhtigii Madaxweyne Farmaajo uu Gabagabada yahay hadana Madaxweynuhu wali kama quusan inuu qoorta soo qabto Axmed Madoobe, Axmed Madoobena Kismaayo ayuu ku hayaa “Eegadaan hadaan Baledxaawo laga saarin Ciidamad , Dalku nabad ahaan maayo”.

Puntlandi.com Nairobi

<