Deni iyo Karaash oo Madaxtooyada ku qaabilay Xildhibaano Galmudug ka yimid

Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Kuxigeenkiisa Axmed Cilmi Cusmaan karaash ayaa Madaxtooyada Puntland ku qaabilay Wafdi ka socda Galmudug oo Siminaar u joogay Puntland.

Wafdiga Galmudug ayaa Madaxweynaha uga Wariyay Xaalada Galmudug, waxay kaloo ka wada hadleen Waxwada qaybsiga iyo Wadashaqaynta ka dhaxaysa labada Maamul.

Waayadaan dambe Labada dhinac waxay kawada shaqaynayeen Dhanka Amaanka.

Sawirada hoos ka daawo

<