Wasiir hore Cabdulqaadir Xaashi oo Jaahilnimo Siyaasadeed ku tilmaamay Eryidii Safiirka Kenya u jooga Soomaaliya

Wasiirkii Hore ee Waxbarashada Dowlada Federaalka ah isla markaasna in mudo ah Wasiirka Qorsheynta ka ahaan jiray Puntland, Cabdulqaadir Xaashi ayaa wax laga xishooda ku tilmaamay qaabkii ay Dowlada Federaalku u eriday Safiirka Kenya.

Cabdulqaadir Xaashi wuxuu sheegay in Dowlada hada jirta ee Soomaaliya ay umuuqato mid dhimatay oo burburinaysa xiriirkeena Wadamada Dad ahaan iyo Dal ahaan Saaxiibka soo jireenka ah la ah Soomaaliya.

Wasiirka hore Cabdulqaadir Xaashi Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku yiri sidaan “Waa wax laga xishoodo waana markii ugu horreysay taariikhda dhaqanka diblomaasiyada in ay dowlad ku amarto ergey Dalkaaga si rasmiya u jooga inuu ku laabto dalkiisa ‘Cayrin’. Waana Jaahilnimo aan la rumaysan karin! “ Waxaad ceyrisay diblomaasi Dalkaaga jooga, Kaagiina waxaad ugu yeeratay si wadatashi loola sameeyo”.

Dublamaasiyiin kale ayaa iyana shaki ka muujiyay Qaabka loo qoray Qoraalka lagu eryay Safiirka Kenya iyo Sababta keentay in Loo cuskaday eryida Safiiraka Kenya, hadal uu yiri Axmed Madoobe oo ku saabsanaa Arimaha Siyaasada Gudaha Soomaaliya.

Musharixiinta u tartamaya Hogaanka Dalka ee Wali kama aysan hadal Xiriirka loo jaray Kenya.

Puntlandi.com Garowe

<