Mustafe Dhuxulow oo Hargeysa lagasoo masaafuriyey

Wasiirkii hore ee Warfaafinta Dowlada Federaalka iminkana ah Musharax Madaxweyne oo Shalay lagu xiray Hargeysa ayaa hada loosoo Masaafuriyey Magaalada Muqdisho.

Wararku waxay sheegayaan in Soomaaliland ay Musharaxa Xirtay Shalay isagoo kasoo degayay Garoonka Diyaaradaha Hargeysa, waxaana lagu eedeeyey inuu Sharci daro kusoo galay Soomaaliland si uu olole Doorasho ugasameeyo Gudaha Soomaaliland.

Dowlada Federaalka Soomaaliya kama aysan Hadal Xariga Dhuxulow, Waxaase saacadaha soo socda lasugayaa inuu kasoo dego Magaalada Muqdisho.

Puntlandi.com Hargeysa

<