Musharax Xuseen Xalane “ Hadii Farmaajo saan kusii socdo Dalku Madaxweyne kaluu yeelanayaa

Wasiirkii hore ee Maaliyada Xuseen Xalane oo masnta u maramay Saxaafadaha Muqdisho ayaa ka hadlay Qodobo ay kamid yihiin Doorashada iyo Xiriirka Kenya.

Xalane wuxuu Sheegey in Ceyrinta Safiirka Kenya ay tahay arin wuxuuna ku macneeyey Mid Dadka lagu jahawareerinayo, wuxuu yiri “Waa Nin shaqadiisii qabsan waayey oo Dadka ku jeedinaya Krnyaan Erinay, Kenya Dalka Way joogtaa oo Ciidankeedaa Jooga”

Xalane wuxuu kaloo yiri “ Hadii Farmasjo uu na maqli waayo isagoo soo fadhiya ayuu Dalku Madaxweyne kale yeelanayaa, Doorashaana qabaneynaa”.

Xuseen Csbdi Xalane wuxuu sheegay in waxyaabaha ugu waaweyn ee in wax laga qabto ay ugu horeeyaan, Soo xulida Xildhibasnada Waqooyi, Xiisada Gobolka Gedo iyo Kalsooni darada ka muuqata Gudiga Dooradhada ee Xukuumadu soo magacowdey.

Puntlandi.com Muqdisho

<