Madaxweynaha oo amray in Xisaabaadka Dekada Bosaso lagu shubo Koontada Dowlada

Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Amar ku bixiyey in Kharashaadka Dekada Bosaso lagu shubo Koontooyinka Dowlada.

Amarkaan ayaa yimid kadib Wadahadal Dubai ku dhexmaray Madaxweynaha iyo Shirkada DP World ee Maanusha Dekada.

Heshiiska waxaa kaloo kamid ahaa in Degdeg loo bilaabo Mashruucii Dekada lagu balaarinayay, waxayna DP World balan qaadeen Maalgalin dheeraada oo ka baxsan Heshiisyadii hore.

Safarkii Madaxweyne Deni ee Dubai kadib wuxuu muujiyey inuu aad ugu hanweyn yahay shaqada iyo balan qaadka DP World.

Hoos ka akhriso Wareegtada Madaxweynaha

<