Faahfaahin— Kulan saaka u socda Kheyre iyo Qoorqoor iyo Kulamadii Xalay ee Siyaasiyiinta Beesha Hawiye

Madaxweynaha Galmudug Qoorqoor ayaa Xalay kulan la qaatay Musharixiinta Mdaxweynaha ee Beesha Hawiye, kulankaasoo ujeedkiisu ahaa sidii Qoorqqor looga soo kaxaynlahaa Xayndaabka Madaxweyne Farmaajo.

Wararka ay Puntlandi.com helayaan, Kulankii Xalay waxaa lagu heshiiyey in uu Madaxweyne Qoorqoor uu dib ula laabto Gudiyadii uu usoo magacaabay Arimaha Doorashada, ka noqoshada Gudigaan waxay u gogol xaaraysaa in Madaxweyne Qoorqoor uu kusoo biiro ragiisa Mucaaradka ah.

Kulanka hada u socda Qoorqoor iyo Raysal wasaare hore Xasan Cali Kheyre ayaa u muuqda in Qoorqoor uu wali ku adkeysanayo inuu kusii jiri doono Xayndaabka Madaxweyne Farmaajo.

wixii kasoo kordha kulankaas kala soco Puntlandi.com

Puntlandi.com Muqdisho

<