Dhakhtar lagu dilay Kismasyo caawa

Waxaa Caawa Kismasyo lagu dilay Dhakhtar Axmed Yusuf Qaaciye Xili uu ku guda jiray Shaqadiisa, waxaana diley fablet hubaysan oo goobta ka baxsadey.

Goobjoogayaal ka agdhowaa goobta dilku ka dhacay ayaa Puntlandi u xaqiijiyey in uu dhalhtarku ku geeriyoodey isla goobta.

Alla ha u naxariistee Dhakhtarka wuxuu kamid ahaa Dadka Deegaanka aad looga yaqaan.

26 Oktobar ee Sanadkaan ayay ahayd markii kooxo hubaysan ay sidaanoo kale u dileen Alla ha u naxariistee Wakiilkii Amal Bank Cabdullaahi Cabdisalaan Shigshigow.

Dilka Caawa Kismaayo ka dhacay wali kama aysan hadal laamaha Amaanka Jubbaland.

Puntlandi.com Kismaayo

<